Isla-xisaabtanka Nidaamka Cashuuraha ee Somaliland

Policy brief

Tellander, Ebba & Mohamed Aden Hassan (2016) Isla-xisaabtanka Nidaamka Cashuuraha ee Somaliland [Accountability in the Taxation System in Somaliland], PRIO Policy Brief, 24. Oslo: PRIO.

Waxa jira tiro caqabado dhab ah oo hortaagan isla-xisaabtanka la xidhiidha nidaamka cashuurta ee Somaliland. Caqabadahan waxa ka mid ah maqnaanshaha dood qaran, daahfurnaan, iyo xog-siin sax ah iyo hannaanka fulinta. La-xisaabtankan liita waxa uu sabab u yahay kalsooni liidata oo u dhaxaysa dawladda iyo muwaadiniinteeda. Arrintani waxa ay ku xoogantahay gobolada qaar sida Sool, oo ah gobol joogitaanka dawladdu yahay mid liita amaba moran ka taaganyahay. Haddana, haddii in badan oo cashuurbixiyeyaashi ahi ay rabaan in ay bixshaan cashuurta iyada oo aan lagu qasbin, arrintani waxa ay calaamad u tahay in ay jirto kalsooni [ka dhaxaysa dawladda iyo muwaadiniinta]. Arrintani waxa ay muujinaysaa in ay jirto fursad iyo suuragalnimo in wax la hagaajinkaro, iyada oo loo marayo wacyigalinta bulshada, muwaadiniinta caadiga ah oo heli kara hababka la xisaabtanka, iyo in maalgalin joogta ah lagu sameeyo dib-u-hagaajinta cashuuraha ee hadda socda.

An error has occurred. This application may no longer respond until reloaded. Reload 🗙